Home Wararka Salaad Cali Jeele oo Weeraray Siyaasiyiinta Beesha Habargidir ee Qorsheynaya iney Xilka...

Salaad Cali Jeele oo Weeraray Siyaasiyiinta Beesha Habargidir ee Qorsheynaya iney Xilka Ka Tuuraan Farmaajo iyo Kheyre..

2146

Guddoomiyaha Xisbiga Midnimada iyo Dimuqraadiyada Salaad Cali Jeele ayaa weerar Afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta ka soo jeeda Beesha Habar gidir ee ku kacsan Dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo maalmihii u danbeeyay warbaahinta hadalo kulul u marsiinayay Madaxda ugu sareysa dalka.
Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo siyaasiyiin kula shaahayay Hotelka Naasa-hablood 2 oo uu degan yahay ayaa sheegay in Siyaasiyiinta hadda ku kacsan Dowladda ay yihiin kuwo hal beel ka soo wada jeeda,islamarkaana leh dano siyaasadeed oo u gaar ah oo aan ku lifaaqsaneyd mid guud oo umadda u daneynaya.
” Waxay yihiin siyaasiyiin dano siyaasadeed oo gaar ah leh uma ordayaan danta dadka iyo dalka,waxayna ka soo wada jeedaan hal beel qoo qura”, ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo Odayaal iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed kula hadlayay Hotelka Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho.
Inkastoo Salaad Cali Jeelle magacaabin Siyaasiyiinta Dowladda ku kacsan ee halka beel ka soo wada jeeda ayaa hadana waxaa iska cad cida uu farta ku godayo,maadama Siyaasiyiinta hadda Dowladda ku kacsan ay u badan kuwo ka soo jeeda Beesha habar gidir.
Xildhibaan Mahad Salaad,Axmed Macalin Fiqi,Siyaasi C/raxmaan C/shakuur iyo kuwo kale oo qarsoon dhamaantood ayaa ka soo wada jeeda hal beel waxayna doonayaan iney qal qal geliyaan Dowladda Farmaajo oo rabitaanka shacabka ku timid.

SHARE