Erdogan oo Markale Ka Dhawaajiyay Hadal Ka Farxiyay Shacabka Somaliyeed..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aanu walalaha nahay ee Turkiga ayaa kulan muhiim ah oo uu maanta Magaalada istanbul kula qaatay Xisbigiisa, waxaa uu kusoo hadal qaaday xaaladaha dalka soomaaliya.
Madaxweyne Ordagan ayaa ugu horeyn sheegay in soomaaliya ay maanta u baahantahay sadex arimood, kuwaas oo mid walbaa oo muddo isdultaag ku sameeyey.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn sheegay in soomaaliya ay leedahay cadow fara badan oo ay kamid yihiin dunida Muslimka qaarkood.
“Soomaaliya waxa ay leedahay cadow farabadan oo soo jireen ah, kuwaas oo har iyo habeyn ka shaqeeya dibin daabyeynta dowladnimada soomaaliya, waxaana cadowgaas ay soomaaliya leedahay kamid ah qaar kamid ah wadamada islaamka oo isqariya lakiin cadownimada ay soomaaliya u qabaan ay waayadaanba shaac baxsaneyd” ayuu yiri madaxweynaha dalka turkiga.
Mr Ordogan oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in umadda soomaaliyeed looga baahanyahay in cadowgaas ay meel uga soo wadajeestaan.
“Cadowga ay soomaaliya leedahay ee aan sheegay waxa kaliya oo ay uga gudbi karaan waa midnimo ay yeeshaan shacabka soomaaliyeed guud ahaa, iyo in ay si dhab ah isu garab taagaan Dowladnimada soomaaliya ka tabaagashay ee uu hormuudka u yahay Madaxweynaha dalkaasi soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo” ayuu cod dheer kuyiri madaxweyne Rajeb Dayib Ordogan oo munaasabad weyn kaga qeybgalay istanbul.
Gaba-gabadiine waxa uu sheegay in dowladiisa ay soomaaliya ka taageerto dhinacyo badan oo ay ugu horeyso sidii ay soomaaliya ku heli kaheyd ciidan qaran oo suga amniga xuduudaha dalka uu laleeyahay dowladaha dariska la ah lana wareega awooda dalka soona celiya dowladnimada soomaaliya.
Isagoo arintaas kahadlayana waxa uu yiri “Waxaan soomaaliya ka taageernaa dhinacyo kala gadisan oo ay ugu horeyso dib u dhiska ciidankii qaranka oo xerada tababarka ugu weyn ee aan afrika kuleenahay kahirgalinay Magaalada Muqdisho arintaas oo ay nagala dhaqeysay dowladda madaxweyne Farmaajo, durba waan dardargalinnay arinkaas inagoo dufcadii u horeysay tababar usoo xirnay, qalabkoodiine waan u dhameystirnay, sidaas ayaana ku wadeynaa tan iyo inta ay soomaaliya markale cagaheeda isaga taageeyso, waana waajib ina saaran inaan gacan qabanno walalaha ugu qaalisan ee aan dunida ku leenahay kuwaas oo ah soomaalida” ayuu hadalkiisa kusoo gunaanaday.
Sikastaba ha ahaatee Balanqaadkani uu u sameeyey soomaaliya madaxweynaha turkiga Ordogan ayaa imaanaya xilli shalay xerada tababarka Jazeera tababar loogu soo xiray ciidankii ugu horeeyey ee ay tababarto dowladda turkiga, kuwaas oo uu tababarka usoo xiray Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT