Home Wararka War Deg Deg ah : Gaari Xamuul ah oo Ku Qarxay Muqdisho...

War Deg Deg ah : Gaari Xamuul ah oo Ku Qarxay Muqdisho iyo Faah Faahino Kasoo Baxay…

3104

Gaari xamuul ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa goor dhow wax yar ka hor salaadii maqrib ku qarxay xaafada Carafaat oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in gaarigan oo la damacsanaa in la soo geliyo gudaha magaalada ay ka hor tageen ciidamada xasilinta.

Goobta uu gaarigan ku qarxay ayaa waxaa xiray ciidamada amaanka dowlada Somalia, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay, waxaana weli soo baxaya faahfaahinta qaraxan oo daryankiisa laga maqlay meelo badan oo ka tirsan Muqdisho.

Wararkeena ugu horeeya kala soco faahfaahinta qaraxan iyo wixii ka soo kordha insha ALLAAH.

SHARE