SIR CULUS : Dowlada Fududeysay in la daayo C/raxmaan C/shakuur, iyo Lacagaha Lagu Bixiyay Maxkamada oo..(Akhriso Sir la helay_

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa masuul ka aheyd in la fududeeyo arinta Siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur oo la doonayay in xukun maxkamadeed lagu rido.

Mid ka mida Saraakiisha ku dhow Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur ayaa sheegay in Dowlada Imaaraadka ay xeelad iyo lacagba u adeegsatay in falkaan uusan u dhicin sida dowlada Soomaaliya ay dooneyso.

Waxaa jira tuhun ku aadan in lacagaha la bixiyay ay qeyb ka qaateen Maxkamada Gobalka Banaadir walow warkaasi aan wali la helin cid xaqiijin karta.

Dowlada Imaaraadka oo kasoo horjeeda in lasoo bandhigo Dukumiintiyada laga helay guriga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur ayaa sabab u noqotay fashilka qabsaday dowlada, waxaana kulamo khadka telfoonka iyo kuwa toos ahba ay la yeelatay madaxda dalka, iyadoo markii hore ay ku guul dareysatay inay ka dhaadhiciso laakiin markii dambe lagu qanciyay Farmaajo iyo Kheyre in maxkamada Gobalka Banaadir ay go’aanka u daayaan sidaasna arinta ay dowlada kaga aamusto.

Si kastaba ha ahaatee Dowlada Imaaraadka ayaa la sheegaa inay maalgaliso Mucaaradka Dowlada Soomaaliya, iyadoo ay ka shaqeyneyso in la carqaladeeyo Madaxweyne Farmaajo.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT