XOG : Guriga Hada Muqdisho uu Ka Degan yahay C/raxmaan C/shakuur oo Lagu Diyaaranayo Qorshe Halis ah..(Akhriso Sir la helay)

Tan iyo markii Siyaasi C/raxmaan C/shakuur la soo daayay wuxuu ku sugan yahay ama uu la degan yahay guriga Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xildhibaanada Aqalka sare Abshir Bukhaari halkaasi oo siyaasiga lagu ilaalinayo.

C/raxmaan C/shakuur ayaa diiday inuu ku laabto gurigiisii hore oo lagu weeraray,maadaama uu sheegay inuu ka muuqdo bur bur ka soo gaaray weerarka,isagoona cadeeyay in tan iyo inta uu ka helayo cadaalad uusan ku laabeyn.

Abshir Bukhaari oo isaga ah mas’uul mucaarad ah balse aan isa soo bandhigeyn ayaa wada dadaalo uu C/raxmaan ugu raadinayo inuu helo cadaalad iyo in laga garaawo dhibta la gaarsiiyay.

Mar uu C/raxmaan C/shakuur la hadlayay warbaahinta ayuu sheegay in Maxkamada uu kaga gar helay xubnihii soo dacweeyay,balse hadda ka dib uu guda gelayo raadinta xuquuqda isaga ka maqan.


Ciidamo Nabad sugid oo ka tirsan Dowladda ayaa hadda ilaalinaya guriga C/raxmaan C/shakuur ee horay weerarka loogu qaaday.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT