XASAASI : C/raxmaan C/shakuur oo Dab Kusii Shiday Hadalkii uu ugu gafay Farmaajo..

Siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa hadal uu kusoo qoray Bartiisa Facebook ku sheegay inuu aamisan yahay in dhamaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u siman yihiin geyiga Soomaaliya, isagoo doonaya inuu ku burburiyo hadalkii foosha xumaa ee uu dhawaan shaaciyay kaasoo uu ku sheegay in dadkii Martida Muqdisho u ahaa ay sharciga ku ciyaarayaan halka isagoo marti loo yahay uu sharciga ilaalinayo.

Hadalkan ayaa dilay sharafta iyo cisiga uu bulshada ku dhex lahaa Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame, wuxuuna yareeyay taageero badan uu ka helay ka dib markii dowlada si sharci la aan ku xiratay ka dib cadeyn loo waayay eedeyntii loo jeediyayna ay maxkamada iska sii deysay.

Siyaasiyiin, dad bulshada caan ka ah oo nuucyo kala duwan isugu iyo shaqsiyaad xilal hore soo qabtay ayaa dhamaantood ugu baaqay Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur inuu raali galin ka bixiyo hadalkii khalafsanaa uu ku hadaaqay.

Hadaba halkaan hoose ka aqriso jawaabta uu bixiyay Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur

Waxaan halkan ka caddeynayaa inaan aaminsanahay in dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u siman yihiin gayiga Soomaaliyeed, mana aaminsani inuu jiro reer gooni u leh caasimadda Muqdisho ama ama magaalooyinka kale.

Waxaan hubaa in taariikhda halgankayga, fikirkayga siyaasadeed iyo saaxiibbada aan ku leeyahay shacabka Soomaaliyeed ay daliil u tahay waxaan ka aaminsanahay wadaniyadda, wadajirka iyo sinnaanta dadka soomaaliyeed.

Hadalka la soo barjaray waa mid si ula kac ah la isugu soo aadiyey, loona fasiray, si sumcaddeyda loo dhantaalo. Waxaana ka dambeeya kooxdii duullaanka bahalnimada ah kusoo qaaday gurigeyga, kuna laayay 6 qof, anigana i afduubay.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT