Home Wararka SIR CULUS : Shaqsiga Horkacaya Mooshinka Xilka Looga Tuurayo Farmaajo oo la...

SIR CULUS : Shaqsiga Horkacaya Mooshinka Xilka Looga Tuurayo Farmaajo oo la ogaaday ..(Akhriso Warbixinta)

1986

Warar hoose oo ay heshay Badweyn.com ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu horkacayo Mooshin Muqdisho loogu abaablayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Guddoomiye Jawaari ayaa xiriir joogta wuxuu la leeyahay Siyaasiyiinta Ururka Damu-jadiid iyo kuwa kale uu ka mid yahay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke oo si weyn uga soo horjeeda dowlada Federaalka.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa daba Labo Maalin ka hor Wakaalada Reuters u sheegay in 96-Xildhibaan ay diyaar u yihiin Mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiye Jawaari oo Shaarar badan gashta ayaa dhawaan lagu waday inuu safar ku tago dalka Turkiga laakiin waxaa ka horyimid Madaxweyne Farmaajo, waxaana uu halkaasi kulamo kula qaadan lahaa Mucaaradka ugu weyn dowlada uu ugu horeeyo Madaxweynihii uu xilka kala wareegay Farmaajo ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiinta kale ee Xisbiga Damu-jadiid.

Si kastaba ha ahaatee Madaxda ugu sareysa dalka ayaa isku khilaafa danahooda Siyaasadeed, waxayna si hoose isugu dagaan Shirqoolo kala duwan.

SHARE