Home Wararka Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo Si Kulul ugu Jawaabay Donald Trump “Dolar Naguma...

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo Si Kulul ugu Jawaabay Donald Trump “Dolar Naguma iibsan Kartid”

1770

Madaxweynaha dalka Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa wadamada caalamka ugu baaqay iney cashir wanaagsan u dhigaan Mareykanka waxyar kadib markii ay Golaha amaanka Qaramada Midoobe isku raacen in la diido go’aankii Washington ay Qudus ugu aqoonsatay caasimada Yahuuda.

Hadalka Erdogan ayaa yimid kadib markii safiirka Mareykanka ee Golaha amaanka Nikki Haley, uu sheegay iney qaadan doonaan dalalka ka horyimid go’aankooda isla markaana ay ka jaran doonaan caawinaada.

Si kastaba, Golaha amaanka ayaa khamiistii shalay u codeeyay in Qudus aysan noqon caasimada Yahuuda sida Mareykanka uu doonayay.

“Mr Trump, Kuma iibsan kartid dimuquraadiyadda Turkey dhamaan Dollarka aad haysato, go’aankeenana waa cad yahay,” Erdogan ayaa sidaas ka sheegay magaalada Ankara.

6-dii bishan ayuu Trump, sheegay innuu Qudus u aqoonsadau caasimada Yahuuda, waxaana arintaas si deg deg ah uga jawaabay wadamada muslimka oo ku kulmay dalka Turkey.

Si kastaba, go’aanka golaha amaanka ee Qaramada Midoobe ayaa ahaa mid u fudud dalalka iney diidaan go’aanka Donald Trump iyo Yahuuda.

SHARE