Home Wararka 5-Qodob oo C/raxmaan C/shakuur suurta gal tahay inuu markale kaga guuleysto Farmaajo...

5-Qodob oo C/raxmaan C/shakuur suurta gal tahay inuu markale kaga guuleysto Farmaajo iyo Kheyre..(Akhriso Shanta Qodob)

1176

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta fasaxday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo lagu soo xiray ka dib weerar habeenkii Axada gurigiisa ay ku qaadeen Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya ee NISA.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida u dhacday Maxkamada,islamarkaana uu ku kalsoon yahay go’aanka Garsooraha Maxkamada.

Sidoo kale,C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in mar haddii uu ka guuleystay Qoladii soo eedeysay uu hadda u fadhiyo inuu guda galo sidii uu xaqiisa u soo dhacsan lahaa.

Wuxuu sheegay In weerarkii gurigiisa lagu soo qaaday uu ka soo gaaray khasaaro isugu jira bur bur hantiyadeed iyo mid nafeed,sida uu hadalka u dhigay.

PROMOTED CONTENT by Mgid

An Ordinary Student Earns $200 A Day While Staying Home
Waxaana xog uruurin aan sameynay aan ku ogaanay in hadda siyaasiga C/raxmaan C/shakuur u furan tahay inu furo dacwo ka dhan ah madaxda Dowladda Soomaalita oo Quseyso.

1- Weerarkii sida sharci darada ah loogu soo qaaday iyada oo aan go’aan Maxkamadeed Dawladda haysan, weerarka oo lagu dhaawacay, sida sharci darada ah loogu xirtay.

2- Weerarkii Sharci darada ahaa Dadkii lagu dilay oo aan ilaa hadda meydkooda eheladooda heynin.

3- Burburkii loo geystay Xarunta Xisbiga wadajir iyo hoyga Abdirahman Abdishakur.

4- Magacdilka dawladda ku sameysay Siyaasiga Abdirahman Abdishakur oo dawladda saxaafadda ka sheegtay inuu danbiile yahay, ku eedeysan qaran dumis iwm.

5- Ku tumashada shuruucda dalka oo dawladda u bareertay,

SHARE