DEG DEG DAAWO : Maxkamada Gobalka Banaadir oo Xoriyadii Dib ugu Celisay C/raxmaan C/shakuur

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa goor dhow ku dhawaaqday in xoriyadiisa dib loogu soo celiyay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii ay maanta fadhi ka yeelatay dhageysiga dacwada loo heystay.

Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ku horkeeni weyday caddeymo rasmi ah muddo 24 saac oo loo siiyay, waxaana ay ku guuldareystay dalabka in muddo dheeraad ah in la siiyo, si ay baaritaanka u sii wado.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukunka, isagoo xusay in la soo xiray, iyadoo aanan loo heysan ogolaanshoMakamadeed, isla markaana la sii daayya, waxaa uu intaa ku daray in aan wax racfaan ah laga qaadan karin.

“Maadaama aan markii hore lagu soo qaban ogolaansho Maxkamadeed, ayaa waxay amartay Xafiiska Xeer Ilaalinta inay keento muddo 24 saac caddeymo, xafiiska xeer ilaalinta wuxuu ku guuldareystay inuu keeno caddeymo dhameystiran, Maxkamadda waxay xoriyadiisa u soo celisay C/raxmaan C/shakuur”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo intaa ku daray in aan wax racfaan laga qaadan karin

Intaas kaddib ayaa waxaa goobta is qabsaday sawaxan iyo sacab, dadkii goobta ku sugnaa ay mar qura isla heleen, waxaana loogu hambalyeynayay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur xoriyadii ay dib ugu soo celisay Maxkamadda.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa lagu wadaa inuu shir jaraa’id qabto, oo uu uga hadlayo xariggii loo geystay iyo weerarkii lagu soo qaaday gurigiisa


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT