Beesha Habargidir oo Dajisay Qorshe ay Ku Dileyso Xubno Xilal Ka Haya Dalka..(Akhriso Magacyada)

Shabkada Allbanaadir News ayaa ogaatay Xog ah in la diyaariyey Qorshe Ay Beesha Habar gidir ku dooneyso inay kaga aar gudato Xubno Shaar Dawladeed Soo xirtay.

Waxa Ka dhacay Xasuuq Guriga C/raxmaan C/shakuur oo Ilaaladiisa iyo Xubno si dhaw ula shaqeynayey la laayey markii Nabad Sugidu ay Rasaas ku fureen markii gurigaasi la weeraray.

Dawlada Soomaaliya ayaa ku kala jabtay Weerarkaasi oo waxaa jira Xubno Xilal Culus Haya oo ka carooday Hujuumkaasi lagu miray Guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ku yaalla Agagarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Wasiirkii Hore Ee Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Ahaana Labo jeer mid isku soo mutaxay Jagada ugu sareeysa Qaranka Ee Madaxweynaha ayaa waxa Gurigiisa lagu Dilay lix Nin oo Darawalkiisii khaaska ahaa ku jiray.

Beesha Habar Gidir ayaa waxay soo saartay Liiska Xubno ay kaga aar gudan doonaan Leynta Raggaasi Qaaliga ku ahaa waxaana miiska saaran Saadaq John oo ah Sargaal Sare Oo Nisa Katirsan Islamarkaana Howlgalkii Guriga Siyaasiga hogaaminayey dadkana badi laayey,sidoo kale Jaamac oo isna Sii haye Ka ah Xilka Taliyaha Qaranka NISA ayey Falaartu dul saaran tahay oo la diyaariyey Qorshihii lagu khaarajin lahaa.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT