Home Wararka Akhriso War Cusub oo Kasoo Kordhay Kiiska C/raxmaan C/shakuur iyo Cadeymo Dowlada...

Akhriso War Cusub oo Kasoo Kordhay Kiiska C/raxmaan C/shakuur iyo Cadeymo Dowlada Somalia Maxkamada..

3697

Arbacada Maanta ayaa waxaa xeer ilaalinta laga sugayaa in ay soo gudbiso cadeynta dembiga loo soo jeediyay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo u xiran dowladda Soomaaliya.

Qareenka u doodayo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Tahliil Xaaji Axmed ayaa sheegay in xarigiisa aan loo marin sifo sharci ah islamarkaana dowladda laga doonayo jawaab cad.

Waxa uu sheegay in Arbacada Maanta laga sugayo cadeynta dembiga lagu soo oogay eedeysane Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, oo Maalintii Saddexaad Gacanta ugu jira dowladda Soomaaliya.

Xarigaas ayaa dhaliyay kacdoon badan iyo dhaliilo loo jeedinayo madaxda ugu sareysa dalka ee ku aadan in ay caburineyo Siyaasiyiinta mucaaradka ah.

SHARE