Home Wararka War Deg Deg ah oo Naga Soo Gaaray Magaalda iyo Dhimashada oo...

War Deg Deg ah oo Naga Soo Gaaray Magaalda iyo Dhimashada oo 17-qof…

2862

Ugu yaraan 17; Qof ayaa ku dhimatay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Gaari Xamuul ah uu dul maray Gawaari kale oo waddada marayay.

Gaariga dadka jiiray ayuu noociisu ahaa waa Lorry waxaana uu markii hore ku dhacay gaari kuwa dadweynaha ah,waxaana kaddib uu wadaah celin waayay joojiyaja Gaariga waxaana ay sababtay in Gawaari kale uu dul maro.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa la geeyay Isbitaallada Nairobi iyo Gaarisa,waxaana la sheegayaa in markii hore ay 13 Qof ku dhinteen goobta halka afarta kale ay Isbitaallada ku dhinteen.

Saraakiisha Ciidanka Waddooyinka ayaa sheegay in Wadayaasha Gaadiidka ay ka faa’ideysanayaan maqnaashaha Ciidanka waddooyinka islamarkana ay si xad dhaaf ah u kaxeynayaan Gawaarida si ay dhaqsi u tagaan halka ay u socdaan.

Ciidanka Waddooyinka ayaa sheegaya in Waddooyinka qaar ee Gobolka Waqooyi bari ay aad u baaba’sanyihiin islamarkaana aysan Gaadiidka awood u lahayn in sidii la doono loogu ka xeeyo.

Sidoo kale Gaadiidka ayaa aad loo raraa iyada oo Dadka iyo Alaabahaba tir xad dhaaf ah la saaro,waxaa iyana ay qeyb ka tahay shilalka badan ee ay dadka ku dhimanayaan.

SHARE