DEG DEG : Ciidamada Habargidir oo Caawa la Wareegay isgoyska Tarabuunka iyo Ciidamadii Xasilinta..

Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inay ciidamo ka tirsan Militariga isla markaasna ku abtirsado Beesha Habargidir ay la wareegeen gacan ku heynta Isgoyska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay Ciidamadaan ayaa wato ilaa afar gaari oo kuwa dagaalka ah, waxaana lasoo sheegayaa inay Isgoyska Tarabuunka isaga carareen ciidamadii Xasilinta ee halkaas gawaarida ku baari jiray.

Lama soo sheegin wax xabad ah oo halkaas ka dhacday, balse waxaa la xaqiijiyey in Ciidamadaas oo gadoodsan ay la wareegeen Isgoyska Tarabuunka.

Wararka ayaa intaas ku darayo inay ciidamadaas ka xanaaqsan yihiin xarigii lagula kacay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo u dhashay Beeshaas.

Magaalada Muqdisho waxaa ilaa saaka ka socdo kulamo xasaasi ah oo u dhaxeyo Xildhibaanada iyo Odayaasha Beesha Habargidir, waxaana la filayaa inay kulamadaas caawa kusoo biiraan wasiiro ka tirsan dowladda oo beeshaas kasoo jeedo.

Lasoco Warkaan Wixii kusoo kordha:


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT