Home Wararka DEG DEG : Dil Naxdin Leh oo Goordhaw Ka Dhacay Magaalada Muqdisho...

DEG DEG : Dil Naxdin Leh oo Goordhaw Ka Dhacay Magaalada Muqdisho (Yaa lagu Qaarjiyay)

1541

Dabley hubaysan ayaa xaafadda Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa, waxa ay ku dileen nin watay mooto Bajaaj, kaasi oo ay ka toogteen qaybaha sare ee jirkiisa.

Ninkan la dilay oo wiil dhalinyaro ahaa ayaa wararka waxa ay sheegayaan in dableydii hubaysnayd ay horay uga sii qaateen Mooto Bajaajtii uu watay, markii ay dileen.

Dableyda ninkan dishay ayaa mooto bajaajta waxa ay ula dhaqaaqeen dhanka xaafada Cali Turcaaye ee Degmada Heliwaa, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Dilkaasi masuuliyadiisa waxaa sheegtay Al Shabaab oo baraha Internet-ka wararka ku faafiyaan ku qoray inay dileen askari Sirdoon u ahaa dowladda Somaliya.

Shabaab waxa ay sheegteen ninka ay dileen inuu ahaa Sirdoon qaab dharcad ah ku shaqeeya oo shacabka isku dhex qarinaayay, balse ay toogteen amniyaadka Al Shabaab.

Lama oga sheegashada Shabaab ee ku aadan ninka ay dileen inuu ahaa Askari ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Somaliya iyo in kale, balse dadka Suuqa Xoolaha ku sugan waxa ay xaqiijinayaan ninka la dilay inuu ahaa nin mooto bajaaj ku shaqeysta.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here