DAAWO : ilaalada Muuse Biixi oo Jirdil Xoogan u geystay Dabcaser iyo Xaaladiisa oo Nolol iyo Geeri u Dhaxeysa…

Ciidamada Somaliland ayaa si xun jirdil ugu geystay C/Raxmaan Xaaji oo si weyn loogu yaqaan Dabcaser.

Dabcaser oo ku sugnaa maqaayad ku taal magaalada Hargeysa ayaa waxaa u yimid ciidamo hubeysan kaas oo isku dayay iney si xoog ah ku xiraan, laakiin waxaa ka hortagay dad shacab ah.

Dabcaser oo Si Toos ah Facebook ugu jiray ayaa markii uu qadeeyay kadib waxaa loo geystay jirdil xoogan taas oo keentay in isbitaal loola cararo.

Isagoo Isbitaalka jiifa ayuu Dabcaser sheegay in ciidamada soo weeraray ay ahaayeen ilaalada madaxweynaha Cusub Soomaliland Muuse Biixi.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in dhaawac halis ah uu soo gaaray isla markaana uu umaleynayo inuu inuu dhaawacaas udhiman doono.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT