Home Wararka War Naxdin leh oo Naga Soo Gaaray Gobalka Hiiraan iyo Dhimashada oo...

War Naxdin leh oo Naga Soo Gaaray Gobalka Hiiraan iyo Dhimashada oo Mareysa 15-qof

1612

Illaa 15 qof ayaa ku geeriyooday deegaanno ku dhow dhow Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan kadib markii uu halkaas ka dillaacay Cudurka Shuban Biyoodka.
Dadka Geeriyooday ayaa isugu jira Caruur iyo Dad waaweyn kuwaas oo dhammaan uu soo ritay Cudurka Shuban Biyoodka oo fara ba’an ku haya dadka ku nool Deegaanada ku dhow dhow Magaalada Baladweyne.
Dhinaca kale deegaanka Dhabad ee Gobolka Galgaduud ayaa isna laga soo sheegayaa xaalad nolol xumo tii ugu darned.
Guddoomiyaha deegaankaasi ayaa sheegay in halkaas ay ka jirto Biyo La’aan baahsan.
Waxaana uu ku baaqay in Gargaar deg deg ah dadkaasi la soo gaaesiiyo si xaaladdooda ay u soo hagaagto.

SHARE