Home Wararka War Deg Deg ah : Yaa Fuliyay Qaraxii ismaadinta ahaa ee Saaka...

War Deg Deg ah : Yaa Fuliyay Qaraxii ismaadinta ahaa ee Saaka Ka Dhacay Magaalada Muqdisho..

2587

In ka badan 10 Askari oo ka mid ah Booliska Soomaaliya ayaa ku geeriyooday kaddib markii saaka uu Qof is miidaamiyay ku qarxay barxadda Dugsiga Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.
Ciidanka ayaa xilliga la weerarayay sameynayay Gaardis aroortii ah,waxaana sidoo kale ay isu diyaarinayeen Xuska Maalinta Booliska Soomaaliyeed ee 20ka Bisha December.
Sidoo kale Askar ka badan inta dhimatay ayaa ku dhaawacntay weerarkaas waxaana loo qaaday Isbitaallada Ciidanka ee Magaalada Muqdisho.
Qof ka isqarxiyay ayaa watay dharka Ciidanka waxaa kale oo uu xirnaa Jaakad ay ku xiranyihiin waxyaabaha Qarxa,waxaa uu ku qarxay barxadda dhexe ee Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

SHARE