Home Wararka War Deg Deg ah : Ninkii Saakay isku Qarxiyay Xerada Gen. Kaahiye...

War Deg Deg ah : Ninkii Saakay isku Qarxiyay Xerada Gen. Kaahiye ee Muqdisho oo la aqoonsaday (Waa Kuma)

3572

Shirka Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa goor-dhaw ku soo dhamaaday magaalada Muqdisho waxaana looga hadlay qaraxii sababay dhimashada iyo dhaawaca badan ee maanta ka dhacay Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.
Golaha wasiirada ayaa sheegay in ay haayaan xog dheeraad ah oo ku aadan weerarkii ay ku dhintay ugu yaraan 18 qof oo u badan Ciidanka Booliska Soomaaliya sida uu u dhacay iyo magaca qofkii ka dambeeyay weerarkaasi.
Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha C/llaahi Xaamud oo markii uu kulanka Golaha wasiirada soo dhamaaday Wariyiyaasha la hadlay ayaa sheegay Dowladda ay heyso faah faahin hor dhac ah oo ku aadan ruuxii fuliyay weerarkan.
Xukumadda Soomaaliya ma sheegin magaca qofkii ka dambeeyay weerarka iyo faah faahinta ay haayaan balse waxay sheegeyn in ay Saxaafadda la hadli doonaan markii ay soo dhamaato baaritaanka ay wadaan Laamaha amaanka.

SHARE