SIR LA HELAY : Xafladii Caleema Saarka ee Muuse Biixi oo infiteeshinkii Lagu Galayay Ceeb Ka Dhacday..

Munaasabadii Caleemo Saarka aheyd Ee Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa waxa Shabakada Allbanaadir News ay ka heshay Xog Xasaasi Ah.
Infiteeshin ayaa la qeybiyey oo ahaa in Xaflada lagu soo galayo oo Dad badan ay heleen taasi oo fadeexad ay kasoo korortay Kaarka Lagu Galayey.

Madaxweynaha Soomaaliland Ee Xilka wareejiyey Axmed Siilaanyo ayaa waxa jira Mucaarad kasoo horjeeday oo isku dayey inay arbushaan Xafladaasi uu Muuse ugu wareejiyey Xilka.
Siyaasiyiin Deggan Dalka Isku taga Imaaraat-ka Carabta ayaa waxay soo daabaceen Warqado ama Infiteeshin la mid ah kuwa ay Soomaaliland Xaflada ugu talo gashay waxaana tiradii meesha loo baahnaa ka badan ay galeen.
Arintaasi ayaa ceeb ku ah Maamulka Soomaaliland oo lala Heysto Tiimbaraha gaarka ah oo si fudud looga hoos dusayo oo xitaa saxiixyada qaar ay meesha copy ahaan Siyaasiyiinta UAE jooga heystaan.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT