Home Wararka DEG DEG : Qarax Xoogan oo Goordhaw Ka Dhacay Magaalada Muqdisho…

DEG DEG : Qarax Xoogan oo Goordhaw Ka Dhacay Magaalada Muqdisho…

524

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo saakay aroortii hore ka dhacay Barxada General Kaahiye degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Qof watay Jaakad ay ka buuxeen walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay barxada Iskool Pluzia oo ay subixii ku tababartaan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo isu diyaarinayay xuska aasaaska Ciidanka Booliska oo 20-ka December ku aadan.
Jugta qaraxa ayaa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxaana goobta Qaraxa uu ka dhacay gaaray Ciidamo hubeysan oo wata Gaadiidka Dagaalka, kuwaasi oo baaritaano wada.
Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inuu jiro khasaare xoogan oo ka dhashay qaraxa, warar madax banaan ayaa sheegaya Qaraxan in ay ku dhinteen dad ka badan 6 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Si dhab ah looma oga sida uu xerada Genaral Kaahiye oo amnigeeda aad loo ilaaliyo uu ku soo galay Ismiidaamiyaha.

SHARE