Daawo Sawiradii ugu Horeeyay oo laga helay Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Ka Dhacay Muqdsiho

Inta la og yahay illaa 17 askar boolis ah ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay saakay xerada tababarka booliska ee General Kaahiye, sida uu bartiisa Facebook ku qoray wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Yusuf Garaad balse Shabaab waxaa ay sheegeyn in weerarkaasi ku dileyn in ka badan 20-Askari.
Sidoo kale wuxuu wasiirka sheegay in 17 kale ay ku dhaawacmeen qaraxa oo ahaa mid ismiidaamin ah.
Qaraxa wuxuu dhacay xilli ay ciidamada booliska ee dugsiga tababarada Ganaral Kaahiye ku sameynayeen tababarro.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka isqarxinta ah ee dhimashada badan sababay.
Wararka qaar waxay sheegayaan in ciidammad ay isu diyaarinayeen xuska maalinta booliska Soomaaliya oo ku beegan 20-ka bishan Desembar.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT