Muuse Biixi oo Maanta loo Dhaariyay Madaxweynaha Somaliland (Daawo Sawirada)

Xafladda lagu dhaariyey Madaxweynaha Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi oo ku guuleystay Doorashii bishii tagtay ka dhacday Deegaanada Maamulkaasi.
Wufuud ka kala socota Dowladaha: Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Ingiriiska iyo xubno kale ayaa ka qeyb galay Munaasabadda isugu jirtay Dhaarinta, Xil wareejinta iyo Caleemo Saarka.
Xubno ka kala socday Xisbiyada Maamulka Somaliland, Wasiiiradii maamulkaasi iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa goob joog ka ahaa Xafladda.
Muuse Biixi ayaa Khudbad uu ka jeediyey Madasha waxa uu kaga hadlay:- Dhibaatooyinka Dhaqaalaha, Dhalinyarada, La xisaabtanka xubnaha uu kusoo darayo Liiska Maamulka uu hogaamin doono shanta sano ee soo socota iyo lacagihii ku baxay doorashii uu ku guuleystay.
Waxa uu sheegay in aanan Sharciga iyo Cadaaladda lagu kala sareen balse lagu kala sareyn doono shaqada iyo darajooyinka, la xisaabtan ayuu tibaaxay in uu la sameyn doono xubnaha uu soo xulayo in ay la shaqeeyaan.
Dhanka kale Dhibaatooyinka Dhaqaalaha ee maamulkaa heysta in uu ka shaqeyn doono sidii looga bixi lahaa, tallaabooyinka uu arrintaasi u marayo ay tahay in shirkadaha laga qeyb galiyo sidii ay dhalinyarada shaqo ugu abuuri lahaayeen si dhaqaalaha uu dib ugu soo laabto heerkii uu taagnaa sida uu hadalka udhigay.
Waa uu sii hadlay waxa uuna tibaaxay in qabyaaladdu ay tahay Caqabada ugu weyn ee hor taagan horumarka Maamulka Somaliland sida uu sheegay.
Muuse Biixi ayaa xilka kala wareegay Axmed Siinlaayo oo ay isku xisbi yihiin, muddo fog ayee iska soo shaqeeyaan Xisbiga Kulmiye oo ay ka wada tirsan yihiin


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT