Faah Faahin : Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Magaalada Boosaaso..

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland lagula eegtay bartamaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Qaraxa ayaa ka dhacay Isgoyska Afar Irdood ee Magaalada Boosaaso, halkaas oo ah goob mashquul badan.
Inta la xaqiijiyay illaa 7 Askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi.
Ma cada illaa iyo hadda waxa uu ka dhashay qaraxaasi in uu ahaa Miino Dhulka lagu aasay iyo inkale.
Dhawaan ayey ahayd markii sidan oo kale qarax Miino Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland lagu eegtay Magaalada Boosaaso, kaas oo ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT