Daawo Sawirada laga helay Gaari Xamuul ah oo ay Gubeen Al Shabaab

Dhawaan ayeey aheyd markii xoogag ka tirsan Al-shabaab dab ku qabadsiiyeen deegaanka Maroodile ee hoostaga degmada Beledweyne Lix gaadiid kuwa Xamuulka qaado ah iyo badeecadii saarneyd intaba.
Gadiidka ayaa la sheegay ay ku sii jeedeen deegaanno ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool iyo dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana halka ku baaba’ay dhamaanba gadiidkii la gubay iyo dhamaanba badeecadii saarneyd.
Hadaba Sawirro laga soo qaaday gadiidka ayaa muujinaya sida ay u basbeelleen gaadiidka la gubay iyo dhamaanba wixii hanti ahaa ee saarnaa dushooda.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT