Al Shabaab oo Fuliyay Xukun Aad Looga Naxay Dadkana ay hadal hayaan.(Akhriso Warbixinta)

Ururka Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Kuunya-barrow ee gobolka Shabeelaha Hoose waxay shalay gelinkii dambe xukun gacan goyn ah ugu fuliyeen nin ay ku eedeeyeen inuu ku kacay fal xatooyo ah.
Goobta xukunkan uu ka dhacayay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacayay.
Maxkamadda Shabaabka ee degaanka Kuunya-barrow ayaa la hor geeyay ninkan oo lagu eedeeyay in uu hanti Kumanaan Kun Dollar ah ka dhacay guryo ku yaalla degaanka.
Qaadiga Maxkamadda ayaa fagaaraha uu xukunku ka dhacayay ka akhriyay dambiga lagu helay Cabdi Fataax Cusmaan Axmed oo 19 sano jir ah.
Maxkamadda ayaa sheegtay in C/fataax uu qirtay in uu dhacay hanti isugu jirta lacag Kumanaan Dollar ah, Dhar, Telefoono, Kumbiyiitaro iyo hanti kale.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay in ninkan uu jabsaday illaa 5 guri oo uu ka xaday hanti gaaraysa 5,000 Dollar, intaas kadib ayay maxkamaddu ku xukuntay in hal gacan laga gooyo sidoo kale waxaa lagu xukumay in uu dib u soo celiyo hantidii uu xaday.
Maxkamadaha Shabaab ayaa badanaa xukunada ay qaadaan waxa ay yihiin kuwa hal dhinac ah, maadaama dadka dambiyada ay ku soo eedeeyaan aanan laga hayn qiraal cad oo ku aadan falka lagu soo eedeeyo.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT