Shabaab oo Diyaariyay Qorshe Halaag ah Balse Laga War Helay & Digniin Culus oo…

Dowladda Kenya ayaa ka digtay in Xarakada Al Shabaab ay weerar ba’an ka geystaan Degmada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalkaasi.
Guddoomiyaha Magaalo Xeebedka Lamu Gilbert Kitiyo ayaa xusay in ay ka war heleen dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab oo qorsheynaya in weeraro ay ka fuliyaan Gaarisa iyo deegaanada ku dhow.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in ayasan iska Indha tiri karin Warbixinada waxa uu ku tilmaamay Argagixisada oo ku soo qul qulaya deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobalka Waqooyi Bari ee Dalkaasi.
Waxaana uu carabka ku dhuftay in Al Shabaab ay qorheynayaan in weeraradaasi fuliyaan inta lagu guda jiro dabaal dega Ciida Christmas-ka ee Sanadka cusub
Hadlakan ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda Kenya ay ugu baaqday dadka ka soo qaxaya dagaalada Al Shabaab iyo Ciidamada Kenya in ay dib ugu laabtaan deegaanadii ay ka yimaadeen.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT