Home Wararka Madaxweyne Farmaajo oo Dabin U Dhigay Musharixiintii La Tartamay Xiligii Doorashada (Akhriso...

Madaxweyne Farmaajo oo Dabin U Dhigay Musharixiintii La Tartamay Xiligii Doorashada (Akhriso Sir La Helay)

1086

Dr. Saciid Ciise Maxamuud oo ka mid ahaa Musharaxiintii u tartantay doorashadii xilka Madaxweynaha ee 8-dii February ee sanadkan ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu uga baxay ballamo ay galeen.
Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in xilligii ololaha doorashada socotay ay heshiis hoose wada galeen Isbaheysigii Musharaxiinta is bedel doonka ahaa, isla markaana ay wada galeen ballan ah nin alla ninkii naga mid ah ee xilka ku guuleysata uu talada dalka wax ka siinayo.
“Dalkaan wuxuu u baahnaa is bedel macquul ah oo umadda aayatiin iyo iftiin u horseedo anagoo ka mid aheyn Midowgii Musharaxiinta madax banaan waxaa dhamaanteen heshiis hoose ku galnay nin alla ninkii naga mid ah oo guuleysta in talada dalka uu wax ka siinayo musharaxiinta kale, laakiin ma dhicin, wuu nagu ballan furay Farmaajo”ayuu yiri Dr. Saciid Ciise Maxamuud oo labo jeer oo uu isa soo sharaxay sanadkii 2012 iyo 2017 uu ku guuldareystay inuu wareega koowaad ee doorashada ka soo gudbo.
Waxaa uu sheegay in doorashada Soomaaliya ka dhacda ay in badan oo ka mid ah ay aheyd mid dhaqaale, waxaa uu xusay in Madaxweyne Farmaajo uu talada dalka wax ka siiyay dadkii maalgeliyay ololihiisa doorashada.
Dr. Saciid Ciise ayaa sheegay in Soomaalida ay dhaqan iyo caado u tahay in marka siyaasi xil doonayo uu balan-qaad sameeyo, marka uu xilka ku guuleystana aanu balan-qaadkaas fulin oo uu ku ballan furo wixii uu sameeyay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan La Taliyeyaal ka dhigtay labo ka mid ah dhowrkii iyo labaatanka Musharax ee tartanka la galay, waxaa ka mid ah Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Maxamed C/risaaq.

SHARE