DHAGEYSO : Ugaarsi Ka Bilowday Jaamacadaha Muqdisho yo Arday Lagala Baxay Jaamacada Plasma..

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gudaha u galay xarunta Jaamacadda Plasma ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Ciidamadaan oo ah kuwa ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta ayaa gudaha u galay xarunta Jaamacadda , waxaana la sheegay in ay kala soo baxeen labo arday.
Qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda ayaa sheegay in ciidamada ay u sheegeen in ay goobayaan dad gaar ah, islamarkaana ay isdejiyaan.
Sidoo kale goobta ayaa waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan Nabad suggidda , kuwaasoo dhankooda bilaabay baaritaano.
Ilaa iyo hadda wax faahfaahin ah Hay’adda Amniga kama bixin ardaydaasi laga soo qabtay Gudaha Jaamacadda.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Codka


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT