Home Arimaha Bulshada Xisbiga Wadani oo War Cusub Kasoo Saaray Guul Daradii Ka Raacday...

Xisbiga Wadani oo War Cusub Kasoo Saaray Guul Daradii Ka Raacday Doorashadii Ka dhacay Somaliland..(Daawo Muuqaalka)

1814

Hogaamiyaha Xisbiga WADANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Markii ugu horaysay Warbaahinta la hadlay, Kadib Doorashadii Xisbigiisa looga guulsaytay ayaa sheegay inaysan wax qorshe ah uga oolin Xaflada Caleemo-saarka muuse Biixi, Islamarkaana aan lagu Casuumin.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay qaabkii doorashadu u dhacday iyo waxa uga yaala Xisbiga wadani ee kuu ka tirsan yahay.
“Maanu guul daraysan, Balse waxaanu gaadhi waynay wixii aanu doonaynay, Waxaa jira Mad-madow iyo Gacmo shisheeye oo soo galay, Balse hadii aanu aqbalnay waxba ku noqon mayno, Waxaanu Wadnaa inaanu daraasad ku samayno sida wax u dhaceen iyo waxa kusoo kordhay doorashada ” Ayuu yidhi Xirsi Xaaji Cali Xasan.

SHARE