Home Wararka itoobiya oo Dalka Soomaaliya La Damacsan Arin Halis ah (Akhriso Sir la...

itoobiya oo Dalka Soomaaliya La Damacsan Arin Halis ah (Akhriso Sir la helay)

1841

Dawlada Itoobiya ayaa ah mid aan rabin hormarka iyo Dib usoo laabashada Soomaaliyadii laga Cabsan jiray taasi oo keentay in cunuqabateyn dadban ay kusoo rogto.
Madaxda Maamul gobolleedyada iyo Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay Sanka uga duran yihiin ayna iyada hoostagaan dhinaca Siyaasad ahaan iyo howsha qaabka ay usocoto.

Itoobiya ayaa qorsheneysa inay hesho wado walbo oo ay kusii cuuryaamin karto Soomaaliya sida Sac Seenta kaga fadhiyana uga dhigi laheyd dhexdeeda mid isku ah.
Danjireyaal kusugan Muqdisho ayaa waxay sheegeen in Itoobiya ku war gelisey Amni xumo kusoo foolan Xamar Sidaa awgeedna ay iskaga soo baxaan.
Si gaar ah Shabakada Allbanaadir News ayaa xog ku heshay in Safaarada Itoobiya Amnigeeda la adkeeyey oo laga cabsi qabo weerar qarax oo Shabaab ay soo qaadaan,iyadoo Itoobiya ay sheegeyso in Soomaalida oo is raacda ay guul heli karin.

SHARE