DEG DEG : Gaari Looga Shakiyay Walxaha Qarxa oo Muqdisho Lagu Qabtay..

Ciidamada Ammaanka ee Dowladda ayaa goor dhow Gaari looga shakiyay in ay saaran yihiin Walxaha qarxa ku qabtay Nawaaxiga Ex Kontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.
Waxaana Ciidamadu gabi ahaan ay xireen Wadada Isku xirta Isgoyska Ex Kontarool Afgooye iyo Macallin Nuur, iyagoo dadka ka celinaya halkaasi.
Goobjooge ayaa sheegay in Gaariga laga shakiyay uu yahay Spacio, islamarkaana saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladdu ay baaritaano ku hayaan Gaarigaasi.
Lasoco Warkaan Wixii kusoo kordha:


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT