Dowlada Mareykanka oo Boob aan Horay Loo Arag Ka Bilowday Magaalada Muqdisho..(Daawo Muuqaalka)

Dowladda Maryanka ayaa hadda waxay Boob aad u xooggan ka bilowday duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii ay adduun lacageed kala baxday dhul aad u weyn oo ay ku nool yihiin shacabka Soomaaliyeed, waliba ay iyaga leeyihiin.
Deegaan ku dhow deegaanka Jaziira ayaa la sheegay in gabi ahaantiisba ay iibsatay dowladda Maraykanka, dadkana lagu amray in ay isaga guuraan, taasi oo aan la ogeyn waxay ka sameysan doonaan, wallow deegaankaasi uu xeeb leeyahay, walibana yahay Istiraatiiji.

Sida muuqaalka aad ku arki doontaan dadka deggan halkaasi ayaa sheegay iney meesha deggan yihiin wax ka badan 100 Sano oo awoowayaashoodii Labaad ama Saddexaad halkaasi lagu dhalay.
Dadkaan ayaa u sheegay dowladda Federaalka in laga doonayo haddii ay Maraykanka dhul siineyso iney ka siiso meeshii ay lahayd, balse aanay ahayn iney lacag qaataan oo dad masaakiin ah dhulkooda la boobo.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT