Ciidamada Dowlada oo Halis Aad u Daran Ka Badbaadiyay Shacabka Muqdisho..(AKHRISO)

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay shacabka Muqdisho ka badbaadiyeen qarax gaari lagu soo xiray oo la damacsanaa in lagu laayo.
Cidamadan oo xog hayey ayaa waxau gaari nooca raaxada ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa ku qabteen Ex-control Balcad, waxaana baxsaday qofkii gaariga waday.
Kooxaha miino baarista ayaa ku guuleystay iney kala furaan walxihii la isku soo xiray, iyadoo ciidamada ay ku radjoogan ninkii waday gaariga laga soo buuxiyey walxaha qarxa.
Al-shabaab ayaa inta badan qaraxyo ku laaya shacabka ku dhaqan Muqdisho, sidii marar hore oo badan dhacday.


Akhriste Halkani Hoose Ku Qor Fikradada (0)




ADVERTISEMENT