Home Arimaha Bulshada Dhageyso Xasaasi : Xildhibaanada Baarlamanka Somaliya oo Maanta Ka Doodaya Kiiska Qalbi...

Dhageyso Xasaasi : Xildhibaanada Baarlamanka Somaliya oo Maanta Ka Doodaya Kiiska Qalbi Dhagax iyo Olola Xoogan oo Socda…

43

Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa la filayaa in maanta ay kulan ku yeeshaan Xaruntooda Muqdisho,kulankaas oo ah mid si gaar ah diiradda loogu saarayo wareejinta Dowladda Soomaaliya u dhiibtay Itoobiya C/Kariin Sh.Muuse.
Xildhibaannada Golaha shacabka ayaa ku kala aragti duwan go’aanka Xukuumadda iyo habka ay u martay wareejintiisa,waxaana Xildhibaannada qaar ay qabaan in dowladdu ay ku saxneyd arrintan,halka kuwo kalena ay aad uga caroodeen islamarkaana ay dowladda Mooshin ka gudbiyeen.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA

Kulankan ayaa 6dii iyo 9kii Bishan u baaqday marna Guntin (Kooram) la’aan marna si caadi ah loo fasaxay iyada oo maanta ay Xildhibaannada markale u ballansanyihiin.
Guddoomiye Jawaari oo kulankii ugu dambeeyay sheegay in Xildhibaannada kulanka joogay ay ku filnaayeen fadhiga hayeeshee iyaga oo jooga aysan saxiixin Buugga Xaadirka darteed kulanka u baaqday kuwaas oo uu sheegay in xeer hoosaadka Baarlamaanka lala tiigsan doono.

 

SHARE