Home Arimaha Bulshada DEG DEG DHAGEYSO : Xubno Ka Tirsan Al Shabaab oo Dowlada isku...

DEG DEG DHAGEYSO : Xubno Ka Tirsan Al Shabaab oo Dowlada isku Dhiibay

40

Labo Sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay sida ay xaqiijiyeen maamulka degmadaasi.
Gudoomiyaha degmada Qansaxdheere Aadan Cabdi Qooqane ayaa sheegay in maamulka degmada ay ka shaqeeyeen sidii ay iskusoo dhiibi lahaayeen xubnahaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO CODKA

Waxaa uu sidoo kale sheegay in hadda labadaasi nin ay ku sugan yihiin degmada Qansaxdheere.
Waxaa tilmaamay in ay u gudbin doonaan Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee isku dhiibaya Ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Baay ay kordheen sida uu sheegay Gudoomiyaha.

 

SHARE