Home Arimaha Bulshada DAAWO : Maryan Mursal oo isu Martay Boosaaso iyo Garowe iyo Fariinta...

DAAWO : Maryan Mursal oo isu Martay Boosaaso iyo Garowe iyo Fariinta ay Puntland iyo Galmudug u dirtay (Muuqaal Cajiib ah)

38

Fannaanada Soomaaliyeed ee Caanka ah Maryan Mursal Ciise ayaa Mudo kadib kusoo Nooqtay dalkeena Hooyo, waxayna Booqasho Dal-barasho ah kusoo martay deegaano ka Tirsan Puntland, oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

“Anigu waxaan u imid inaan dalkayga Barto dhamaantii, Hadaan imid dalkaygii Garoowana kasoo degay, Anigoon Dareen Qabin Caawaan Dug leeyahay” Ayay tiri.
Dhinaca kale Fanaanada Maryam Mursal ayaa waxay Fariin u dirtay Maamulada Galmudug iyo Puntland oo dhowrjeer ay dagaalo dhexmareen, waxayna sheegtay in Gobolada dhexe lagu yaqaanay Nabad ” Galmudug waan tagi doonaa, Gobolada dhexe dagaal kama dhici Jirin, Magacii ayay nooga Ciyaareen, waxaan doonayaa inaan dhaho meesha ka kaca oo Nabad sameeya”. Ayay tiri Maryam Mursal.

SHARE