Home Arimaha Bulshada DAAWO : Dhismaha iyo Naqshada Xarunta Baarlamaanka oo Lasoo Bandhigay (Muuqaal ...

DAAWO : Dhismaha iyo Naqshada Xarunta Baarlamaanka oo Lasoo Bandhigay (Muuqaal Cajiib ah)

36

Waxaa lagu wadaa in dhismo cusub lagu bilaabo Xarunta baarlamaanka Somalia ee ku taalla Isgooyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.
Xarunta baarlamaanka ayaa waxaa dhawaan dhismaha ku bilaabaya Injineero Turki ah oo garabsanaayo Injineero kale oo Soomaali ah kuwaa oo wax kusoo bartay dalka Turkiga.
Injineerada dhismaha ku bilaabi doona Xarunta baarlamaanka ayaa iminka ku sugan magaalada Muqdisho.
Injineerada ayaa dhismaha baarlamaanka ka hor marinaaya dhismo ka bilaaban doona Xarunta Villa Baydhabo ee magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA DHISMAHA BAARLAMANKA

Dhismaha xarunta baarlamaanka ayaa waxaa ka qeybqaadan doono Injineero dhowr ah kuwaa oo la doonaayo in dhismaha ay kusoo afmeeran muddo ka yar hal sano.
Dhismaha cusub ee xarunta ayaa waxbadan ka duwanaan doona dhismihii hore ee xarunta waxaana lagu wadaa in la dadajiyo dhismaha.

SHARE