Home Arimaha Bulshada DHAGEYSO : Naftii Haligihii isku Qarxiyay Baladxawo oo Lasoo Bandhigay Magaciisa iyo...

DHAGEYSO : Naftii Haligihii isku Qarxiyay Baladxawo oo Lasoo Bandhigay Magaciisa iyo Qabiilkiisa +Wareysi Naxdin leh

4
0
SHARE

Warbaahinta Ku Hadasha Afka Xarakada Al Shabaab ayaa Faafisay wareysi laga qaaday naftii haligihii fuliyay weerarkii lagu daah furay dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay magaalada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo.
Axmad Jaamac Nuur (Zubeyr) oo u dhashay Qabiilka Reer Shabeelle ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Andalus ka hor intii uusan fulin weerarka wuxuu uga hadlay arrimo dhowr ah.
Ninkan ayaa sheegay sababta uu u doorbiday Isqarxinta inay tahay sidii uu ugu aargudi lahaa shacabka Somaliyed ee dhibaatooyinka kala duwan loo gaystay, waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxa kale uu fariin u diray eheladiisa oo uu ka codsaday inay qayb ka noqdaan dagaalada ka socda Somaliya, ayna garab Istaagaan Ururka Al Shabaab.

RIIX HALKAN OO KA DHAGEYSO CODKA

SHARE