Home Wararka DEG DEG : Banaanbax Weyn oo Goordhaw Ka Bilowday Muqdisho iyo Jidadka...

DEG DEG : Banaanbax Weyn oo Goordhaw Ka Bilowday Muqdisho iyo Jidadka qaar oo la xiray..

3
0
SHARE

Waxaa goordhaw banaan bax aad u balaaran ay ka qeyb qaadanaaan boqolaal dadweyne ah ka bilowday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, banaan baxan ayaana ah mid lagu taageerayo Xukuumada Soomaaliya.
Dadka banaan baxa dhigaya ayaa socod ku maraya Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, waxaana dibad baxayaasha wataan boorar ay ku qoran yihiin ereyo ay ku taageerayaan Xukuumada Soomaaliya.
Banaan baxayaasha ayaa isugu tagaya Taalada Sayidka oo kasoo horjeeda Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ku shirsan yihiin, waxaana halkaasi kusii socda boqolaal qof oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Maamulka gpobolka Banaadir ayaa soo abaabulay banaan baxan lagu taageerayo Xukuumada Soomaaliya, waxaana dadka gaadiid loga soo qaadayaa Degmooyinka gobolka si ay u muujiyaan taageerada ay Xukuumada u hayaan.
Amaanka Laamiga Maka Al Mukarama gaar ahaan halka banaan baxyadu ka socdaan ayaa la adkeeyay, waxaana la xiray Qaar kamid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho si loo adkeeyo amaanka dadka banaan baxa dhigaya.
Lasoco Warkaan Wixii kusoo kordha:

 

SHARE