Home Wararka WAR HADA AH : Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo...

WAR HADA AH : Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Warar Sheegaya in….

2
0
SHARE

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay bam gacmeed Kooxo hubeysan ay ku weerareen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Qaraxan oo ka dhacay Xaafada Dalcada ee Degmada Hiliwaa ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal ruux oo dumar ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay labo kale.
Guddoomiye Ku Xigeenka amniga iyo siyaasada ee Maamulka Degmada Hiliwaa, Abshir Kaaraan ayaa khasaaraha ka dhashay Qaraxan xaqiijiyay.

Waxaa uu sheegay in Kooxihii ka dambeeyay qaraxaasi ay isaga baxsadeen goobta, balse uu socdo howlgallo baaritaano ah.
Guddoomiye Kaaraan ayaa xusay in Qaraxan lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ka soo baxay Xerada Maslaxa oo howlgallo roondo ah ka waday Xaafada Suuqa Xoolaha.
Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada bam gacmeedkan lagu weeraray Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM.

 

SHARE