Home Wararka War Deg Deg ah oo Hada Naga Soo gaaray Ciidamada Mukhtaar Roobow...

War Deg Deg ah oo Hada Naga Soo gaaray Ciidamada Mukhtaar Roobow oo Labo Garab U Kala Jabay

3
0
SHARE

Warar hadda aan ka helnay degmada Xudur ee gobolka Bakool waxay sheegayaan in a Labo u kala jabeen ciidanka wadaad Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dhowaan isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidankaan ayaa la sheegay qaarkood iney diideen iney ku biiraan kuwa Koonfur Galbeed ama dowladda Federaalka, waxaana ay dalbadeen iney gooni u taagnaadaan.

Waxaa la tilmaamay in qaar ay aqbaleen soo jeedintii loo sameeyay, hase ahaatee kuwii kale ayaa ka biyo diidey.
Ciidamada diiddan iney DF ku biiraan gooni ayeey isku buuseen, xaaladdu waa ay adag tahay, waxaana laga yaabaa in arrintaan uu soo farogeliyo Roobow.

 

SHARE