Home Arimaha Bulshada Xildhibaano Warbaahinta isu mariyay hanjabaad, “Yaa Guuleysan Doono Kheyre VS Mooshinka (Daawo...

Xildhibaano Warbaahinta isu mariyay hanjabaad, “Yaa Guuleysan Doono Kheyre VS Mooshinka (Daawo Muuqaalka)

1
0
SHARE

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo aan caadi aheyn ku lahaa magaalada Muqdisho.
Kulamadan oo ah kuwa iska soo horjeeda ayaa waxaa qaadanayay xildhibaano taageersan Xukuumada Soomaaliya iyo kuwa kasoo horjeeda.
Wararka naga soo gaaraya qaar kamid ah Hoteelada Muqdisho ayaa sheegaya in Xildhibaanada mooshinka ka wada RW Kheyre iyo xukuumadiisa ay sii kordheen ayna ku balameen iney ridaan Mudane RW Kheyre.
Sidoo kale xildhibaano difaacayay xukumadda ayaa kulamo ku qaadanayay magaalada Muqdisho, taas oo ka dhigan in siyaasad xoogan ay jirto.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

Xildhibaan Abuukaate oo kamid ah xildhibaanada mooshinka wada ayaa balan qaaday in la ridi doono RW Kheyre
Laakiin Daahir Amiin Jeesow oo ah garabka dowlada taageersan ayaa balanqaaday in mooshinkaas la laali doono oo aan xataa baarlamaanka la horkeeni doonin.
Madaxda dowlada ayaa qeyb ka ah kulamadan siyaasadeed ee ka socda Muqdisho inkastoo kulankii shalay ee baarlamaanka uu kooram la’aan ubaaqday.

SHARE