Home Arimaha Bulshada DAAWO : Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiin Caan ah oo Lacag Ku Bixinaya...

DAAWO : Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiin Caan ah oo Lacag Ku Bixinaya Fadeexeynta Dowlada Farmaajo

4
0
SHARE

Inkastoo xiisad adag ay ku dhex jirto Dowlada Soomaaliya ee uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo hadana waxaa jira Shaqsiyaad dano gaara ka dhex arkaya xaaladaha cakiran ee heysta Dowlada Federaalka.
Masuul ka mid ahaa Dowladii hore ee uu hogaaminayay Xasan Sheekh Maxamuud oo diiday in magaciisa iyo xilka uu hayay aan sheegno ayaa sheegay in Madaxweynihii hore Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu hormuud u yahay Xiisadaha adag oo ay ku dhex jirto Dowlada Soomaaliya.

Masuulkan ayaa qiray shaqsiyaad uu ka mid yahay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo Dowladii Xasan Sheekh Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ahaa uu Muqdisho ka wado Olole ka dhan ah Farmaajo.

Lacago aad u badan ayuu sheegay inay ku baxday Mashruucaan lagu dilayo Kalsoonida shacabka ku qabeen Madaxweyne Farmaajo.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sababta uu fara galinta ugu hayo arimaha Siyaasada Soomaaliya waxaa lagu sheegay inuu ku jiro damac ah inuu mar kale noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la kulmaya cadaadis dhinac kasta kaga imaanaya, waxaana shacabka ku ifinaya Xubnaha Damu jadiid Xamar u jooga oo lacago aad u badan Saxaafada ku siiya si ay wararkooda u buun buuniyaan.

 

SHARE