Home Arimaha Bulshada DAAWO : Somaliland oo Sheegtay in ay Ciidamo u direyso Burma Si...

DAAWO : Somaliland oo Sheegtay in ay Ciidamo u direyso Burma Si Loo Difaaco Muslimiinta Rohinga

6
0
SHARE

Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ciidamo u diraan Muslinlimiinta lagu dhibaataynayo dalka Burma, Wuxuuna Dawladda Turkiga ka codsaday inay u soo diraan Diyaarado ay ku qaadaan Ciidanka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA

Todobaadyadii u danbeeyey waxaa saxaafadda caalamka haystey dhibaatada haysata dadka Rohingya ee degan gobolka Rakhine ee dalkii horey loo oran jirey Burma ee la baxay Myanmar ee ay ku badan yihiin dadka aaminsan diinta Buudiyiinta (Buddhism) Dhibaatada qawmiyadda Rohingya ee aaminsan diinta Islaamka ayaa muddo dheer soo socotey, waxaana dowaldda Burma dooneysaa in ay dadkaas kaba saarto gobolka ay deggan yihiin oo ka tir-tirto, waxay sheegayaan in Burma boos uga banaaneyn kuwa aaminsan diinta Islaamka.

 

SHARE